Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo si KMG ah loo Magacaabay(Sirta ka dambeysa ogow).

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir si KMG ah ugu  Magacaabay Dr Aweys Sheekh C/llaahi Weheliye.

Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu si KMG ah Shaqada uga Joojiyay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa 6 Bishii September   ee Sanadkaan Warsaxaafadeed  uu soo saaray ku sheegay in aan Qofna Xilka laga qaadi karin lana Magacaabi karin inta lagu guda jiro Xilliga kala guurka.

in ka badan 30 garsoorayaal ayaa hada shaqada laga joojiyay,iyadoona taasi ay dhibaato ku tahay hormarka dalka.