Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Is Casilay

War qoraal ah oo Bartiisa Facebooka uu kusoo Daabacay Gudoomiyaha Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland Axmad Maxamad Cali ( Axmed Kismaayo) ayuu ku sheegay in uu iska Casilay Xilka Guddoomiyenimo Guddiga KMG ee Doorashooyinka Dadban Puntland.

Axmed Kismaayo ayaa sheegay in Is Casilaadiisa ay isaga Gaar u tahay oo Arimo Shaqsiyadiisa uu isku Casilay.

Warar kale ayaa sheegaya in Iscasilaada Axmed Kismaayo laga yaabo in ay qeyb ka tahay Is faham-waa mudooyinkii u dambeeyey u dhaxeeyey xubnaha guddigan uu ka kooban yahay.

kismaa