Gudiga Doorashooyinka Dadban oo ku dhawaaqay inay Dib u dhacday Doorashada Madaxtinimada Dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Abuukaate Cumar Dhageey oo maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in doorashooyinka Aqalka Hoose ay si wanaagsan uga soconayaan Caasimadaha Maamul Goboleedyada.

Abuukaate Cumar Dhageey ayaa xusay in ay suura gal tahay in ay dib uga dhacdo doorashada waqtigii loogu tala galay oo 30-ka bishaan aan ku guda jirno ah.

Waxanaa uu cadeeyay in waqtigaas suura gal tahay in la helo Aqlabiyadda Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Shalay ayey ahayd markii loo ballansanaa In ay qabsoonto doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka islamarkaana uu dib u dhac ku yimid.

Waxaana muuqata in dib u dhac kale uu ku yimid doorashada Madaxtinimo ee 30 bishaan la filayay.