Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland oo loo doortay Cabsdi Maxamed Cabdiraxmaan

Doorashadda Gudoonka baarlaamanka Jubbaland ee ka socoto Magaalada Kismaayo ayaa lagu doortay Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali waxaana ku guuleystay Cabsdi Maxamed Cabdiraxmaan oo horay u ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa lagu tilmaamaa Saaxiibadda dhow ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana uu hoggaaminaayay baarlamaankii Koowaad ee Jubbaland.

Waxaa hadda dhiman doorashadda Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee doorashadda maamulka Jubbaland.