Gudoomiyaha Cusub Ee Gobalka Banaadir oo Maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Ambassador Thaabit Cabdi Maxamed oo dhawaan loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir  ahna Duqa Muqdisho ayaa Maanta Ka soo dagay Garoonka Diyaradaha Ee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cade Halkaas oo si weyn ugu soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, Saraakiisha amaanka ee Gobolka, ururka Haweenka iyo Masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa saakay Diyaarad gaar ah waxa uu ka soo raacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, isaga oo markii hore ka yimid dalka Mareykanka.

Guddoomiyahaayaa waxaa xaflad soo dhaweyn ah hada loogu sameynayaa mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu saxaafada kula hadli doono.