Gudoomiyihi Gudiga Shaqaalaha Rayidka ah oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Guddoomiyahi Guddiga Shaqalaaha Rayidka ee Dowlada Soomaaliya Allaha u naxariistee Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Dheere) ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuum Cali Dheere ayaa u geeriyooday xanuun caadi ah oo soo wajahay mudooyinkii u dambeyay, waxaana dhawaan laga soo celiyay isbitaal ku yaala dalka Hindiya oo lagu daweeyay.

Allaha u naxariistee gudoomiyaha gudiga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho.