Hanjabaad loo jeediyay Qaxootiga soomaaliyeed ee Xerada Dha-Dhaab oo la beeniyay.

Duke Mwencha oo ah Afhayeen u hadlay hay’adda Q,M u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya in qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool lagu qasbayo inay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Afhayeenkaan oo wariyaasha kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka kenya ayaa sheegay magaalada inaysan jirin xaalad ku qasbaysa qaxootiga ku nool xerada Dhadhaab lagu qasbo inay isku diwaan galiyaan sidoo dalkooda loogu soo celin lahaa.

Eeda ah in qaxootiga Soomaalida ah la qasbayo wax jira ma aha mana hayno wax xaqiijin kara qaxootiga ayaga ayaa iskood u noqonaya oo doonaya inay dalkooda ku laabtaan” ayuu yiri Duke Mwencha oo afhayeen u ah hay’adda UNHCR.

Dowlada Kenya ayuu afhayeenku KU amaanay inay si wanaagansan ula shaqaynayso hay’adaha Q,M ee ku hawlan dib usoo celinta qaxootiga waxaana uu intaa ku daray in awood iyo qasab loo adeegsado rarista qaxootiga ah meel ka dhac ku tahay xeerka caalamiga ah ee dhawrista xaquuqda qaxootiga sida uu yiri.

Qiyaastii 19,kun 346 ruux ayuu afhayeenku sheegay inay sanadkaan kusoo laabteen Soomaaliya si iskood ah haddana ay in badan oo kale is diwaan galiyeen.

Dhawaan ayey eheed markii qaar kamid ah qaxootiga somaaliyeed ee ku dhaqan Xerada Dhadhaab ay sheegeen in dowlada kenya ay ku qasbeyso inay is diiwan galiyeen si dib loogu celiyo Somaaliya.