Koobka Champions League ayaa dib ugu soo laabanaya shaashadaheena caawa iyadoo la ciyaarayo kulamadii ugu horeysay ee wareega group-yada ee xilli ciyaareedkan, waxaana jira kulamo xiiso badan oo la ciyaari doono oo ay ka mid tahay kulanka Group A ee u dhaxeeya kooxaha Paris Saint-Germain iyo Arsenal.
Kooxda Gunners oo isbuucaan guul ka soo gaartay Southampton ayaa rajeyneysa inay sii wadato guusheeda oo ay guul ku bilaabato xilli ciyaareedka cusub ee Champions League, iyadoo Arsene Wenger uu ku duceysanayo inuu xilli ciyaareedkan meel sarre ka gaaro koobka ugu qiimaha badan ee Yurub isagoo galay sannadkiisii ugu danbeysay ee qandaraaskiisa.
Laakiin jamaahiirta Paris ayaa rajeynaya in tababare Unai Emery uu ku bilowdo sida ugu wacan. Macalinkii hore ee Sevilla ayaa ku soo biiray PSG xagaagan ka dib markii uu ku soo guuleystay seddex xilli ciyaareed oo isku xigta koobka Europa League, waana rikood soo jeediyay inuu yahay ninka PSG geyn kara heer kale oo Yurub.
PSG v Arsenal
Garoonka: Parc des Princess
Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore: Viktor Kassai (Hungary)
shaxda labada kooxood
arsenal
paris sent germain
xaqiiqoyinka kulanka
Kooxda Faransiiska ee martida loo yahay Paris Saint-Germain waxaa ka maqan caawa Kurzawa oo dhaawac muruqa ah ku seegaya kulankaan, waxaa sidoo kale shaki la gelinayaan taam ahaanshahooda daafaca Thiago Silva oo dhibaato ka qaba sinta, Aurier oo dhaawac ka qabay canqowga, Pastore oo ka sheeganayay kubka iyo weliba Maxwell oo dhabarka ka xanuunsan.
Dhanka kooxda Arsenal waxaa war wanaagsan u ah inuu tababarka ku soo laabtay Aaron Ramsey kaasoo dhaawac muruqa bowdada ah ku maqnaa, laakiin lama filayo inuu ku soo bilaabanayo kulankaan, halka Arsenal ay dhaawacyo kaga maqan yihiin Gabriel oo canqowga ka dhaacan, Debuchy oo dhibaato ka qaba kubka iyo Martesacker, Welbeck iyo Jenkinson oo dhamaantood jilibka ka dhaawacan.