Hoggaamiyaha Taliban Walaalkiis oo Qarax lagu dilay.

Walaalka hogaamiyaha ururka Taliban ee dalka Afghanistan ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay qarax xoogan oo shalay ka dhacay masjid ku yaalo koonfur galbeed dalka Pakistan.

Taliye sare oo ka tirsan ururka Taliban ayaa sheegay in Hafiz Ahmadullah oo imam ka ahaa masjidka uu weerarka dhacay laxaqiijiyay in uu kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarka dhacay iyadoo lagu guda jiro saladii jimca’ha.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay qaraxa sida ay sheegeen booliska.

Warbaahinta al-Jaseera ayaa ku warantay in weerarka ay sidoo kale ku dhaawacmeen labo kamid ah Ilma Adeerada hogaamiyaha Taliban.

Masjidka uu weerarka ka dhacay ayaa ahaa goob ay xubnaha ururka Taliban kaga hadlaan arimo badan sida xubnaha qaar ee ururkaasi ay al-Jaseera u sheegeen.

Wali majrto koox sheegatay masuuliyada weerarkaasi.