HOR DHAC: kooxaha Manchester City Vs. Manchester United

gftfrtr
Waxaa galabta kulan xiiso badan uu Old Trafford ku dhexmari doona United iyo City.

Ciyaartan oo ilaa iyo haatan ah tii ugu xiisaha badnaa Premier League ayaa la filayaa in ugu yaraan lagu sii saadaaliyo ilaa iyo inta ay loolami karaa kooxahan.

shaxda Manchester United

 De Gea, Romero, Johnstone, Valencia, Shaw, Darmian, Blind, Bailly, Rojo, Fosu-Mensah, Jones, Smalling, Fellaini, Schneiderlin, Carrick, Young, Herrera Pogba, Mata, Lingard, Depay, Mkhitaryan, Rooney, Martial, Ibrahimovic, Rashford.

shaxda Manchester City

Caballero, Bravo, Zabaleta, Sagna, Stones, Otamendi, Kolarov, Clichy, Toure, Fernando, Fernandinho, Delph, Sane, Gundogan, De Bruyne, Navas, Silva, Sterling, Nolito, Iheanacho.

Garoonka: Old Trafford

Saacadda Geeska Africa: 2:30Pm

garsooraha: Mark Clattenburg

Wararka xoodaansiga Manchester United

– Jose Mourinho waxa uu xaqiijiyey in uu saf buuxa oo taam ah haysto taas oo ka dhigan in Henrikh Mkhitaryan iyo  Luke Shaw ay ka soo kabteen jug soo gaartay intii lagu guda jiray kulamadii caalamiga ahaa.

-Taas waxa ay sidoo kale la micne tahay in Antonio Valencia uu fasax u yahay dheelidda madaama uu yimid shalay galinkii hore.

-Marcus Rashford waxa uu loolan ugu jiraa safka kowaadkaddib markii uu gool wax ku ool ah ka dhaliyey Hull City iyo saddexleeydii 21 jirada England.

-Bandhig xumadii Anthony Martial ee bilowga xilli ciyaareedkan ayaa ka dhigi karta in uu booskiisa ku waayo Rashford. Juan Mata maa mid kale oo loo ridi karo keydka.

Wararka Manchester City

>- Labada Manchester ayey u badan tahay inay kulankan dhibco lumiyaan ama midkood laga adkaado haddii kale ay barbaro ku kala baxaan kulanka Manchester Derby, kaddib markii ay guulo soo wada gaareen saddexdii kulan oo ay Premier League horay u soo ciyaareen.

>- Manchester City ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guuldarreysatay inay wax gool ah ka dhaliso labadii kulan ee Manchester Derby oo ka kala dhacay Old Traffrod iyo Etihad Stadium, waxaadna ogaataa in City aysan wali saddex kulan oo xiriir ah gool ka dhalin waayin Man United tan iyo bishii Oktoobar sanadkii 1995-kii, markaasoo ay Man United afar kulan oo xiriir ah shabaqa ka ilaashatay Man City.

>- Saddex ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyey kooxda Manchester United ay kula ciyaartay garoonka Old Traffrod kooxda Man City ayey guuldarreysatay, waxaana ay guul gaartay labo kulan, halka kulanka kale uu barbaro ku idlaaday.

>- Guul ay gaarto Manchester City galabta ayaa noqon doonta guusheedii 50-aad ee kulanka Manchester Derby ee tartammada oo dhan, halka haddii ay Man United guulaysato ay noqon doonto guusheedii 71-aad ee kulanka Manchester Derby tartamada oo dhan, waxaana ay horay labadan kooxood barbaro u galeen 51 kulan tartammada oo dhan.

>- Manchester City ayaa soo guulaysatay kulanka Manchester derby markii ugu dambaysay ee kooxaha ka wada dhisan magaalada Manchester ay tababarayaal cusubi hoggaaminayeen waxayna City 4-1 ku dubatay Man United kulankii  dhacay bishii September 2013 ee ay labada kooxood kala wateen Manuel Pellegrini iyo David Moyes oo kooxahan ku cusbaa.

>- Saddex kulan oo kaliya ayuu Jose Mourinho soo guulaystay 16-kii kulan ee uu ka hor yimid Pep Guardiola, 7 kulan Mourinho ayaa guuldarro kala soo kulmay Guardiola, halka 6 kulan ayay barbaro soo galeen.

>- Waa markii ugu horraysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2011/12 oo ay labada Manchester soo wada guulaysteen saddexda kulan ee ugu horreeya Premier League markaas oo ay Manchester City horyaalka ku guulaystay, isla markaana ay Man United kaalinta labaad ku dhammaysatay.

>- Wayne Rooney ayaa wali hoggaaminaya gool dhalinta kulanka Manchester Derby ee tartammada oo dhan, wuxuuna ka dhaliyay 11 gool, Rooney ayaa markale fursad u haysta in uu rikoodhkan sii dheeraysto.

>- Marcus Rashford ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee kulankan Manchester Derby gaar ahaan kulammada Premier league gool ka dhaliyay kaddib markii uu goolka guusha u dhaliyay Man United ee kulankii Etihad Stadium, wuxuuna markaas jiray 18 sano iyo 141 maalmood.

maxaa kala socotaa MANCHESTER DERBY

-Manchester United guul darro lama kulmin saddexddii kulan ee ugu dambeeyey Manchester Derby, (Laba guul iyo bar bar dhac).

-Manchester City wey ku guul darreeysatay in ay gool ka dhaliso Manchester Derby ololihii hore.

-Hadii ay City badiso kulankan, waxa uu noqon doonaa keedii 50-naad ee Manchester Derby, United iyada waxa ay guuleysatay 70 halka ay 51-ba bar bar dhac gashay.

-Weyne Rooney waxa uu dhaliyey 11 gool kulamada Manchester Derby ma jiro taariikhda ciyaaryahan intaas oo kale sameeyey.