Hordhac ciyaarta Derby d’Italia: Maxaa Kala Heysta Caawa Kooxaha Xafiiltanka Xun Ee Ka Dhaxeeyo Ee v Juventus? Inter Milan

556d37f40423bde5698b4567
ciyaarta caawa fiidkii ee Derby d’Italia ayaa dhacaya iyadoo isbuuc niyadjab ah ay ka soo qaadeen tartamada Yurub labo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Serie A ee Inter Milan iyo Juventus.

Kala duwanaanshaha ugu weyn ayaase ah in Bianconeri ay barbaro la gashay kooxda reer Spain ee Sevilla oo marti ku aheyd Turin, halka Inter Milan ay guuldarro 2-0 gurigeeda ah ku soo gaartay kulankii Europa League ee ay la ciyaarayeen kooxda yahuuda ee Hapoel Be’er Sheva.

Inkastoo Juventus ay wada badisay seddexdii kulan ee ay soo ciyaareen horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, Inter Milan waxa ay afar dhibcood ka heshay seddex kooxood oo caadiyan u dagaalama si joogitaanka Serie A.

MAXAA KA CUSUB?

Ivan Perisic ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Inter Milan uga qeyb qaadaneysa kulanka Derby d’Italia laakiin Marcelo Brozovic ayaa looga soo tagay habdhaqan xumo uu ku kacay.

Peresic ayaa walaac laga qabay taam ahaanshihiisa markii horena kuma jriin qorshaha kooxda laakiin xilli danbe ayaa lagu soo daray iyadoo Brozovic uusan qeyba ka aheyn kooxda, waxaana maqnaanshihiisa ay Inter Milan ku tilmaamtay inuu u dhaqmay si aan xirfadle aheyn.

Joao Mario, Geoffrey Kondogbia iyo Stevan Jovetic ayaa kooxda ku soo laabtay madaama aysan ciyaari karin Europa League.

Dhanka kooxda Juventus tababare Allegri ayaa go’aan lama filaan ah sameeyay kulankii Champions League isagoo nasasiiyay Miralem Pjanic, waxaana uu ciyaarsiiyay xiddiga reer Gabon Mario Lemina, sidaasi darteed xiddiga reer Bosnia ayaa si fiican u nastay waana uu ku soo bilaaban doonaa kulanka caawa isagoo ka garab ciyaaraya Sami Khedira iyo Kwadwo Asamoah.

Juventus ayaa kulamada Italy waxa ay ku sii dheganaan doontaa shax ciyaareedka 3-5-2 halka tartamada Yurub ay la tagto shax ciyaareedka weerarka ah ee 4-3-3.

Inter Milan v Juventus

Garoonka: San Siro

Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Paolo Tagliavento

SHAXDA MACQUULKA AH:

Inter (4-3-3): Handanovic; D’Ambrosio, Miranda, Murillo, Nagatomo; Joao Mario, Medel, Banega; Candreva, Icardi, Perisic

Juventus (3-5-2): Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Lichtsteiner, Khedira, Pjanic, Asamoah, Alex Sandro; Dybala, Higuain