Hordhac kooxaha arsenal vs southampton

i9i9i9i
Mustafi ayaa wadnaha daafaca ka garab ciyaari doona Laurent Koscielny, laakiin ma cada haddii mustaqbalka Perez uu yaala booska gooldhaliyaha ama garab weerar.

Iyadoo seddexda kooxood ee ugu sareeya horyaalka ay si cajiib ah ku bilowdeen xilli ciyaareedkan islamarkaana ay u muuqdaan kooxo wacdarro dhigaya, Arsenal ayaa u baahan inay guulo xiriir ah gaarto si ay qeyb uga noqoto kooxaha horyaalka u tartamaya.

Ma awoodaan inay dhibco ku dhumiyaan gurigooda xitaa haddii ay la ciyaarayaan Southampton oo ku dhameysatay kaalimaha 7aad iyo 6aad labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay.
Kulanka: Arsenal v Southamton

Garoonka: Emirates Stadium

Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Robert Madley
SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal (4-2-3-1): Petr Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Xhaka, Cazorla; Walcott, Ozil, Sanchez; Oliver Giroud.

Southampton (4-2-3-1): Forster; Bertrand, Van Dijk, Fonte, Soares; Hojbjerg, Romeu; Tadic, Davis, Redmond; Shane Long.
uyyttr
Alexis Sanchez ayaa la qiimeyn doonaa madaama uu xilli danbe ka soo laabtay xulka dalkiisa ee Chile halka Per Mertesacker, Gabriel iyo Aaron Ramsey ay dhaawacyo ku maqan yihiin laakiin Alex Iwobi ayaa taam ah.

Goolhayaha Southampton Fraser Forster ayaa diyaar ah inkastoo dhaawac garabka ah looga saaray xulka Ingariiska.

Daafaca bidix ryan Bertrand ayaa ka soo laaban kara dhaawaca jilibka laakiin Jeremy Pied ayaa weli dhaawac ku maqan.

Sofiane Boufal oo Southampton heshiis rikoor u ah kooxda ugu soo biiray ayaa sugi doono muddo bil ah ka hor inta uusan safanin kulankiisii ugu horeysay.