Hordhac: kooxaha Swansea City vs Chelsea: conte oo doonaya in uusan kaharin lolanka fooqa sare barclays bremier league

yuyy8u
Chelsea ayey macquul tahay inuu doorto shax sadex difaac ku dhisan madama uu heli karo ciyaartoy ku haboon booskaas Imaanshaha David Luiz ayaana ka dhigeysa inuu dooq walba ciyaari karo, Dhanka kale Blues ayaa u baahan iney ku badiso 2-gool in ka badan si ay hogaanka farqiga goolasha ugu qabto iyadoo kala wareegeysa Man City oo shalay Old Trafford ku dubatay Man United.
Chelsea ayaa dhalisay goolasha ugu badan oo ay koox ka dhaliso Swansea City kulamada horyalka Ingiriiska (21-gool).

Tan iyo markii ay Swansea 1-0 ku garaacday Chelsea bishii April ee sanadkaan, Swansea waxey ilaashatay shabaqeeda sideed kulan kulamada horyaalka.

Diego Costa ayaa ka dhaliyay Swansea City 5-gool, waana kooxda ugu badan oo uu goolal ka dhaliyo horyaalka Ingiriiska.

Sidoo kale Diego Costa ayaa dhalinayay ama caawinayay gool shantii kulan ee ugu dambeysay kulamada horyaalka Ingiriiska.

Leroy Fer ayaa dhaliyay 2-gool, sadexdiisa kulan ee ugu horeysa xagaagan, balse wuxuu ku fashilmay inuu shabaqa gaaro 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu Swansea u ciyaaro xagaagii hore.

Ma Jiro ciyaariyahan ka fursado abuur badan xiddiga khadka dhexe Swansea City Wayne Routledge dhamaan ciyaartoyda Horyaalka (10) fursad ayuu abuuray.
Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Swansea City vs Chelsea

Tartanka: Premier League (Week 4)

Garoonka: Liberty Stadium

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

Garsoore: Andre Marriner (England)
Xaqiiqooyinka Kulankaan:

Guushii Swanse City ay ka gaartay Blues xagaagii lasoo dhaafay ee aheyd (1-0) ayaa aheyd guushii ugu horeysay ee ay ka hesho dhigeeda kulamada horyaalka hadana aan shabaqeeda la taaban 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kooxda galbeedka ka dhisan la ciyaartay, tan iyo kulan ay 3-0 kaga badisay 1981.
Chelsea ayaa dhalisay goolasha ugu badan oo ay koox ka dhaliso Swansea City kulamada horyalka Ingiriiska (21-gool).

Tan iyo markii ay Swansea 1-0 ku garaacday Chelsea bishii April ee sanadkaan, Swansea waxey ilaashatay shabaqeeda sideed kulan kulamada horyaalka.

Diego Costa ayaa ka dhaliyay Swansea City 5-gool, waana kooxda ugu badan oo uu goolal ka dhaliyo horyaalka Ingiriiska.

Sidoo kale Diego Costa ayaa dhalinayay ama caawinayay gool shantii kulan ee ugu dambeysay kulamada horyaalka Ingiriiska.

Leroy Fer ayaa dhaliyay 2-gool, sadexdiisa kulan ee ugu horeysa xagaagan, balse wuxuu ku fashilmay inuu shabaqa gaaro 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu Swansea u ciyaaro xagaagii hore.

Ma Jiro ciyaariyahan ka fursado abuur badan xiddiga khadka dhexe Swansea City Wayne Routledge dhamaan ciyaartoyda Horyaalka (10) fursad ayuu abuuray.

Shaxda Macquulka Ah:

SWANSEA CITY:

Fabianski, Naughton, Fernandez, Amat, Kingsley, Fer, Cork, Britton, Baston, Routledge, Llorente

CHELSEA:

Courtois, Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta, Kante, Matic, Oscar, Willian, Hazard, Costa