HORDHACA: Argentina vs Colombia – Messi vs James – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Isreeb-reebka Koobka Aduunka Ee Caawa Dhici Doona

Xulka murugeysan ee Argentina ayaa caawa saqda dhexe waqtiga geeska Africa soo dhaweyn doona dhigiisa Colombia kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka 2018 ee ka dhici doona Russia iyagoo ku soori doona garoonka Estadio San Juan del Bicentenario.

The La Albiceleste ayaa damacsan iney kasoo kabtaan xanuunkii iyo guuldaradii kasoo gaartay Brazil markaas oo 3-0 lagu suldaaray dhawaan.

Argentina ayey xaaladda ku adag tahay madama ay gaareen kaliya hal guul shantii kulan ee ugu dambeysay isreeb-reebka koobka Aduunka oo uu tababaraha yahay Edgardo Bauza.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Argentina vs Colombia

Tartanka: Isreeb-reebka Koobka Aduunka

Garoonka: Estadio San Juan del Bicentenario.

Saacadda: 2:30 Saqda Dhexe (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Argentina waxey haatan joogaan booska 6-aad kala sareynta isreeb-reebka koobka Aduunka iyagoo leh 16-dhibcood kaliya 11-kulan oo ay ciyaareen, 8-dhibcood ayey ka hooseeyaan hogaamiyayaasha Brazil oo qudhooda iyagoo marti ah soo daldashay.

Argentina hadii ay caawa guuldaro kala kulanto Colombia rajadooda usoo bixitaanka koobka Aduunka 2018 waxey gali doontaa mugdi aad u baahsan.

Dhanka kale Colombia barbaro gool la’aan ah ayey la galeen Chile kulankii ugu dambeeyay, wiilasha Jose Pokerman ayaana caawa tijaabo adag galaya madama ay la balansan yahiin kooxdii finalka koobka Aduunka 2014 tiigsatay oo waliba ku sugan gurigooda kana careysan guuldaradii Brazil.

MA OGTAHAY?

Lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay labadaan xul ciyaaraan 4-jeer waxaa badisay Argentina, halka labada jeer ee kale ay barbaro galeen.

Kulankii ugu dambeeyay ee labadaan kooxood wuxuu dhacay November 2015 markaas oo ay 1-0 ku badisay Argentina.

Si kastaba Colombia waxey ku jirtaa qaab wacan oo ay ku laali karto Argentina oo aad moodo iney ka wareersan tahay mudooyinkaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Argentina

Romero; Mercado, Demichelis, Musacchio, Zabaleta; Banega, Mascherano, Biglia; Messi, Agüero, Di Maria.

Colombia

Ospina; Arias, Mina, Murillo, Diaz; Aguilar, Sanchez; Cuadrado, Rodriguez, Falcao; Bacca.