HORDHACA: Chile vs Uruguay – La Roja Oo Laga Yaabo Iney Halis Galiso Caawa Super Alexis Sanchez & Faah-Faahinta Kulankaan

Xulka qaranka Chile ayaa caawa soo dhaweynaya dhigiisa Uruguay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koonfurta America iyadoo xul walba uu damacsan yahay inuu guul kusoo xiro sanadkaan 2016.

Chile sidoo kale waaxey baadi goobayaan guul madama kulankii ugu dambeeyay ay barbaro la galeen xulka Colombia waxeyna caawa ku soori doonaan xulka uu hogaamiyo Oscar Tabarez garoonka Estadio Nacional Julio Martínez Prádanos.

Super Alexis Sanchez ayey macquul tahay in caawa qatar la galiyo xilli Arsene Wenger uu aad uga walwalsan yahay xaaladda xidigiisa muhiimka ah ka hor ciyaarta Manchester United ee todobaadka soo aadan.

Sidoo kale kooxaha kulankaan ka walwalsan waxaa ka mid ah Manchester City oo u cabsaneysa Claudio Bravo oo ciyaartii Colombia ku dhaawacmay iyo Bayern Munich oo ka walaacsan xaaladda Arturo Vidal.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chile vs Uruguay

Tartanka: Isreeb-reebka Koobka Aduunka

Garoonka: Estadio Nacional Julio Martínez Prádanos.

Saacadda: 2:30 Saqda Dhexe (XGA)

WARBIXINADA LABADA XUL?

Tababaraha qaranka Uruguay ayaa ku naaloonaya guushii ay wiilashiisa ka gaareen Ecuador kulankii ugu dambeeyay markaas oo ay 2-1 ku dubteen, balse wuxuu ka walwalsan yahay Sanchez iyo Vidal iney kooxda dib ugu soo laabteen.

Dhanka kale macalin Juan Antonio Pizzi ayaa xaqiijiyay in Alexis Sanchez iyo Claudio Bravo ay taam u yahiin ciyaarta caawa taasoo cabsi sii galineysa kooxahooda kuwaas oo ku rajo wen iney ciyaartoydooda usoo laabtaan iyagoon wax dhaawac qabin.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chile

Claudio Bravo; Mauricio Isla, Gonzalo Jara, Enzo Roco, Jean Beausejour; Arturo Vidal, Marcelo Diaz, Charles Aranguiz; Nicolas Castillo, Eduardo Vargas, Alexis Sanchez

Uruguay

Fernando Muslera; Jorge Fucile, Diego Godin, Sebastian Coates, Gaston Silva; Nicolas Lodeiro, Matias Vecino, Egidio Arevalo, Matias Corujo; Edison Cavani, Luis Suarez.