HORDHACA: Kulanka Adag Ee Saaxiib Tinimo Ee Caawa Italy Vs. Germany

Italy ayaa caawa dhiggeeda Germany ku soo dhaweyn doonta San Siro.

Kulankan ayaa ah mid saaxiibtinimo oo ay labada qaran wada ciyaaraan kaddib is aragoodii wareega sideed dhammaadka Euro 2016 oo ay Germany gool ku laadyada uga badiyeen Azzurri.

WARARKA LABADA DAL

– Eder and Antonio Candreva shaki ayaa ku jira kahor kulankan caawa kaddib markii ay jug aan cusleyn ay soo gaartay. Tijaabo ayaa la marsiin doona kahor inta aysan galin 11-ka hore.

-Iyada oo ay ka maqan yihiin daafacyo fure u ahaa, Italy waxa ay ku soo gashay afar gashaandhig kulankii ay 4-0 uga badisay Liechtenstein walina naqshadaas ayey kala hor imaan doontaa Germany. Waa la arki doonaa in jumlo is bedelo ah ayuu shaxdiisa ku sameeeyo  iyo in kale.

– Manuel Neuer, Toni Kroos iyo  Julian Brandt dhammaan wey isaga bexeen safka Germany dhaawacyo dartood. Mezut Ozil oo la nasiyey intii lagu guda jiray kulamada qaramada isna laguma darin safka.

– Jerome Boateng, Julian Draxler iyo Andre Schurrle sidoo kale wey ka maqnaan doonaan kulankan.

-Joachim Loew waxa ii xaqiijiyey in Bernd Leno uu goolka ku soo bilaaban doono maadama uu Marc-Andre Ter Stegen uu ciyaartii San Marino dheelay.

-Lama oga in uu is bedelo lagu sameyn doono safkii 8-0 ku badiyey dhawaan.

– Serge Gnabry oo saddexleey dhaliyey ayaa raba in uu mar kale fursad helo.

SAFAFKA LABADA XUL

                                          saf

GAROONKA : Giuseppe Meazza

WAQTIGA  : Geeska Africa: 10:45Pm

GARSOORKA: Artur Dias (Portugal)

jw

it

itw