Horyaalka England: Hordhaca: Kulanka Xiisaha Badan Middlesbrough Vs. Chelsea——————

Chelsea waxa ay booqan doonta RiverSide kulan QASAB BADIS ah madaama ay hogaanka guul kula wareegi doonan.

Waxaa kuftay oo taako loo dhigay Liverpool oo St. Mary’s sabtidii kulan ma dhalleys ah kula dheeshay Southampton.

Sidoo kale Arsenal waxa ay bar bar dhac 1-1 la gashay Manchester United balse waxa badisay oo kalinta labad ku jirta iskuna dhibco yihiin Liverpool oo saafka sare faarqiga goolasha ku joogta Liverpool.

Maxaa dhinaca Conte ka cusub?

Marco Van Ginkel and Kurt Zouma hada qarka ayey u saran yihiin in ay saftaan kulamada kooxda kowaad kaddib markii ay ka soo ciyaareen kooxaha hoose dhawrkii toddobaad ee tegay.

-Diego Costa waxa uu ka soo haray safkii Spain dhaawac gumaarka ah awgiis hadana shaki ayaa uga jira kulankan.

-Eden Hazard wuu ka soo baxay qeybihii dambe ee kulankii Belgium V Estonia, sida Costa isna shaki ayaa kulankan uga jira.

-Cesc Fabregas iyo Ruben Loftus – Cheek walaacyo dhaawac ayaa dhinacooda ka jira.

-Isku soo wada duuboo is bedel badan lagama filayo.

WARBIXIN KOOBAN

-Chelsea shabaqeeda we ka ilashatay 6dii kulan ee u dambeeysay oo ay dhammaan tartamada ka dheeshay Middlesbrough

-Chelsea wey badisay 6dii kulan ee ugu dambeeysay dhammaan tartamada ee ay la ciyaartay Middlesbrough

-Chelsea wey badisay shantii kulan ee ugu dambeeysay Premier League

-Chelsea shabaqeeda wey ilaashatay shantii kulan ee ugu dambeeysay Premier League.

SAFAFKA LA DILI KARO

capture-7

Garoonka: Riverside

waqtiga Geeska Africa: 7Pm

Garsoorka: Jon Moss