Horyaalka Italy: Kulan Adag Ayaa Dhex Mari Doona Labada Koox Ee Milan Vs. Inter————

AC Milan waxa ay la dheeli doontaa Inter oo ay gegi iyo magaalo wadaag yihiin.

Xuquuqdo gegida San Siro waxaa leh Milan caawa.

Inter oo maamule cusub ku duuleysa caawa kaddib markii ay eriday Frank De Boer  ayaa guul isha ku haysa.

Wararka labada naadi

– Alessio Romagnoli dhaawac muruqa ah ayaa soo gaaray intii lagu guda jiray kulamadii qaramada, hada shaki weyn ayaa ku jira.

-Waxaa la filayaa in lagu bedelo Gustavo Gomez.

-Carlos Bacca qudhiisa lama hubo waxaana badali kara Gianluca Lapadula.

-Inter waxa ay magacawday tabbare cusub, Stefano Pioli intii lagu guda jiray kulamadii qaramada, Milan ayuu fooda dari doonaa ciyaartiisa ugu horreeysa.

– Stefano Pioli waxaa la filayaa in uu shax 4-3-3 ah ku soo galo.

– Ever Banega ayaa laga yabaa in uu kedyka ku iloobo.

RAAD RAAC:

-AC Milan wey badisay afartii kulan ee ugu dambeeysay oo ay gurigeeda ku dheesho

-Inter wey guul darreysatay saddexddii kulan ee ugu dambeeyey oo ay banaanka ku soo ciyaarto

SAFAFKA LA FILI KARO

m