Horyaalka Premier League: Kulan Adag Ayaa Galabta Dhex Mari Doona Kooxaha Man City vs Chelsea————-

Chelsea oo hogaamineysa horyaalka Premier League ayaa u safreysa Etihad Stadium iyagoo maanka ku haya inay aargutaan guuldaradii 3-0 ee garoonkaan ku soo gaartay xilli ciyaareedkii h–e, halka kooxda Man City ay u hanqal taageyso hogaanka horyaalka.

Xiddigaha Man City weli uma muuqdaan kuwa si dhab ah u la qabsaday falsafada Pep Guardiola inkastoo ay wacdarro dhigaan mararka qaar hadana waxaa weli ka muuqda cilado marka cadaadis uu saaran yahay.

Halka Chelsea ay jaanta isla heshay tan iyo markii uu Antonio Conte bilaabay inuu ku soo shirtago shax ciyaareedka 3-4-3 isagoo shax isku ah ku soo bilaabay lixdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka.

MAXAA KA CUSUB?
Manchester City waxaa ka maqan Vincent Kompany oo dhaawac ah laakiin marka taasi laga soo tago waxa ay heystaan koox dhameystiran oo taam ah iyadoo Fabian Delph uu ka soo laabtay dhaawac gumaarka ah.

Kevin de Bruyne, John Stones, David Silva iyo Ilkay Gundogan ayaa ku soo laaban kara shaxda kooxda kulanka maanta.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa hubin doona taam ahaanshaha hal ama labo ciyaaryahan oo uusan magacaabin ka hor kulanka maanta.

Conte oo uu weli ka maqan yahay John Terry ayaa soo xushay shax isku mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka.

SHAXDA MACQUULKA AH:
Man City (4-1-4-1): Bravo; Zabaleta, Otamendi, Stones, Kolarov; Fernandinho; Sterling, Gundogan, Silva, De Bruyne; Aguero.

Chelsea (3-4-3): Courtois; Cahill, David Luiz, Azpilicueta; Alonso, Matic, Kante, Moses; Hazard, Costa, Pedo.

MA OGTAHAY?
Chelsea waxaa laga badiyay lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti u ahaayeen Manchester City tartamada oo dhan iyadoo kulanka kaliya ay badiyeen mudadaas ay aheyd bishii Febraayo 2014.
City ayaa 3-0 ku badisay labadii kulan ee Premier League ee xilli ciyaareedkii h–e. Chelsea ayaase 5-1 ku garaacday iyaga wareegii shanaad ee FA Cup ee bishii Febraayo markaasoo Man City ay koox dafiic ah la soo shirtageen.
Chelsea ayaa badisay 11 kulan oo ay marti u ahaayeen Manchester City horyaalka Premier League, waana guulaha ugu sareeya ee ay koox gaar ah ka heystaan taariikhda tartankaan.

Kulanka: Man City v Chelsea
Garoonka: Etihad Stadium
Waqtiga: 3:30pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore: Anthony Taylor