Horyaalka Primer League: Kulan Xiiso Badan Ayaa Caawa Dhex Mari Doona Kooxaha West Ham v Arsenal————–

Labada kooxood waxaa soo gaaray bartamihii isbuuca guuldarooyin waxaana ay ka hareen koobka EFL Cup laakiin Arsenal ayaa kalsooni ku qabta inay sii joogteyn doonto hamigeeda tartanka horyaalka.

Warka ku saabsan in Santi Cazorla qaliin looga sameeyay canqowga ayaa dhabarjab ku ah laakiin kooxda Arsene Wenger lagama badinin horyaalka tan iyo kulankii ugu horeysay xilli ciyaareedka halka West Ham ay dhibic kaliya ka sareeyaan seddexda boos ee lagu haro.

MAXAA KA CUSUB?
West Ham waxaa ka maqnaan doona Michail Antonio iyo daafaca Aaron Cresswell ka dib markii ay labada xiddig dhaawacyo ka soo gaareen gumaarka kulankii ay guuldarada ka soo gaartay bartamihii isbuuca kooxda Man United ee EFL Cup.

Diafra Sakho ayaa sidoo kale ka maqan West Ham laakiin Andy Carroll ayaa ka soo laabtay dhaawac jilibka ah, halka Arthur Masuaku uu ku soo bilaaban karo kulankiisii ugu horeysay tan iyo bishii September.

Arsenal waxaa ka maqnaan doona Mathieu Debuchy kaasoo dhaawac muruqa ah uu soo gaaray islamarkaana garoomada ka maqnaan doona lix isbuuc.

Weeraryahan Olivier Giroud ayaa shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa isagoo dhibaato ka qaba gumaarka.

Xiddiga khadka dhexe Santi Cazorla ayaa wajahaya seddex bilood uu garoomada ka maqnaanayo ka dib qaliin canqowga looga sameeyay.

SHAXDA MACQUULKA AH:
West Ham (3-4-3): Randolph; Kouyate, Reid, Ogbonna; Fernandes, Obiang, Noble, Masuaku; Lanzini, Fletcher, Payet.

Arsenal ( 4-2-3-1): Cech; Monreal, Koscielny, Mustafi, Gabriel; Xhaka, Ramsey; Oxlade-Chamberlain, Ozil, Walcott; Sanchez.

MA OGTAHAY?
Arsenal ayaa badisay sagaal ka mid ah 11kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay wajaheen West Ham, laakiin kaliya dhibic ayay ka heleen labadii kulan ee xilli ciyaareedkii h–e.
Kooxda Gunners ayaan laga badinin sideedii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay booqdeen garoonka West Ham iyagoo badiyay lix ka mid ah.
West Ham ayaa waxaa ka dhashay labo ama ka badan goolal todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay soo dhaweeyeen Arsenal.

Kulanka: West Ham v Arsenal
Garoonka: London Stadium
Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore: Craig Pawson