Horyaalka Soomaaliya: Banaadi Sport Club Oo Guul Ku bilaabatay Horyaalka Soomaaliya————-

Kooxda difaacaneysa horyaalka Soomaaliya ee Banaadir ayaa guul wayn ku furatay horyaalka kal ciyaareedka cusub kaddib markii ay 3-1 ku martay kooxda Muqdisho United.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

Goolasha waxaa u kala dhaliyay Banaadir Maxwell iyo Maxamed C/risaaq  Jeena .

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee dheesha Muqdisho ayaa gool la timid oo waxaa u saxiixay Cali Maxamed.

Balse wax yar kaddib Maxwell ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolkii saddexaad ee kooxdiisa Banaadir.