Horyaalka Soomaaliya: kooxaha Jeenyo Iyo Gaadiidka Oo Galabta Ku Balan san Goroonka Koonis—————-

Labada kooxood ee Jeenyo iyo Gaadiidka ayaa kullan xiiso badan  waxa ay ku ciyaari doonaan garoonka Koonis, degmada C/ Casiis ee gobolka Banaadir.

Horyaalka Soomaaliya ayaa dhawaan furmay, waxaana kullankii furitaanka wada ciyaaray Elman iyo Heegan.

Otebaarka waxaa kullankaan hoggaamin doono macallinka reer Kenya ee  Edward Karanja, kaasoo naadiga ka maqnaa koobkii Janeraal Daa’uud ee dhawaan soo idlaaday.

Ciyaartaan ayaa waxaa kasoo dhex muuqan doono saxiixyada cusub kooxda Gaadiidka isla markaana u dhalatay dalka Nigeria ee kala ah Anosike Thankgod  iyo Oliver .

Kullankii ugu dambeeyay ay wada ciyaareen kooxaha Jeenyo iyo Gaadiidka ayaa kusoo dhammaaday 2-1 oo ay ku badisay Gaadiidka, waana ciyaar ka tirsaneyd koobkii Janeraal Daa’uud.

Naadiga Jeenyo ayaa kullankaan weyneysa xiddigaha Feysal iyo Meyman oo ah labo ciyaaryahan oo kooxda u muhiimsan.

Horyaalka Soomaaliya 2016-2017 ayaa furmay maalintii Jimcaha, waxaa galabta la ciyaari doonaa kullankii labaad.