Horyaalka Soomaaliya: Kooxda Difaacaneysa Horyaalka Ee Banaadir Oo Kullan Adag Ciyaareysa——————

Garoonka Koonis degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir ayaa galabta marti gallin doona kullan aad u xiiso badan kaasoo ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.

Kullankaan ayaa waxaa wada ciyaari doono kooxda ka dhisan xararayaale ee Banaadir S. Club  iyo naadiga wati xaadirkaan deegaankeeda uu noqday Deyniile ee Muqdisho United.

Kooxda ficaneysa horyaalka ayaa dooneyo in halkeeda ay kasii wadato bandhiga  qurxoon, waxaana galabta ay ciyaareysaa kullan xiiso badan.

Waa tijaabadii ugu weyned Mudisho United, waayo iyadoo ku cusub horyaalka ayaa waxa ay la ciyaareysa mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan dalkeena.

Banaadir ayaana laga badin 22 kullan oo xiriir ah oo ay ciyaarta horyaalka Soomaaliya xilli ciyaareedkii soo dhamaaday iyo kii kasii horeeyay,waxaana guuldarro horyaalka ah oo soo gaarta BSC u dambeysay 13/05/2015, Xilligaas oo ka badisay naadiga Dekedda.

Naadiga uu hoggaamiyo macallin Cabdi Bootaan ayaa wacdarro kasoo dhigtay tartamada heerka ksaddexaad iyo labaad, markii ay labo sanno gudihiis ay ku timid heerka koowaad ee Soomaaliya.

Kooxda  uu hoggaamiyo Mbalangu Hussein ayaa tababar heerkiisu sareeyo waxa ay ku sameneysay garoonka Minishiibiyo, iyadoo dooneyso in ay difaacato horyaalka Soomaaliya 2016-2017.