Horyaalka Soomaaliya: Kulan Xiiso Badan Ayaa Galabta Dhex Mari Doona Kooxaha Dekadda Iyo Bariga Dhexe——————–

Labada kooxood ee Dekedda iyo Bariga Dhexe  ayaa kullan xiiso badan  waxa ay ku ciyaari doonaan garoonka Koonis, degmada C/ Casiis ee gobolka Banaadir.

Naadiga ka dhisan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xilli ciyaareedkaan ku cusub horyaalka heerka koowaad, iyadoo kusoo guuleysatay heerka labaad.

Dekedda ayaa lasoo wareegtay xiddigo kala duwan kuwaas oo isugu jiro ajinabi iyo Soomaali.

Macallin Yuu Cali ayaa Dekedda hoggaamin doono kullankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah, markii uu tallada kooxda kala wareegay Cabdi Joon.

Maslax Xasan iyo xiddigo kale ayaa galabta ka hor tagi doona naadigoodii hore ee Dekedda.

Sikastaba horyaalka Soomaaliya ayaa si xiiso leh u soconaya waxaana galabta la ciyaari doonaa kullankii afaraad.