Horyaalka Spain Barcelona Vs Malaga, Ayaa Maqribka Wada Ciyaaraya Bluagrana Oo Si Ku Meel Gaar Ah Ku Qaban Karta Hogaanka La Liga——————-

Kooxda Barcelona ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Malaga kulanka galabta oo sabti ah ka dhici doona garoonka Camp Nou ee magaalada Barcelona iyagoo rajeynaya iney si ku meel gaar ah u qabtaan hogaanka horyaalka.

Kulanka: Barcelona Vs Malaga

Garoonka: Camp Nou

Waqtiga Geeska Afrika: 6:15 Fiidnimo

Wararka Labada Koox:

Kooxda kaalinta labaad ku jirto ee Catalan ka ah ayaa leh 25 dhibcood waxayna labo dhibcood ka hooseeyaan kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid, waxayna kooxda maclain Luis Enrique si ku meel gaarka ah ugu fariisan doontaa ka hor kulanka adag ee xili danbe ee caawa dhacaya ee Madrid derby.

Malaga ayaa fadhisa bartahamaha horyaalka waxayna leedahay 15 waxayna kulankoodii ugu danbeeyay guul ka gaareen Sporting Gijon.

Barcelona aya rikoor fiican ka heysata Malaga waxayna kulmeen labadaan koox 32 waxayna adkaadeen 23 halka ay barbaro galeen lix jeer waxayna guuldareysteen kaliya labo jeer waxaana kulankii ugu danbeeyay ee labadaan koox adkaaday Barcelona oo 2-1 ku soo garaacday kooxda Malaga.

Luis Suarez ayaa kulankaan ganaax ku segi doona kadib markii uu qatay shan kaar oo digniin ah sidoo kale waxaa dhaawac ku maqnaan doona Andres Iniesta.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Barcelona: Ter Stegen — Pique, Mascherano, Jordi Alba, Sergio Roberto — Rakitic, Busquets, Denis Suarez — Alcacer, Messi, Neymar

Malaga: Kameni — Torres, Villanueva, Rosales, Juan Carlos — Fornals, Camacho — Castro, Anor, Jony — Ramirez