Ilhaan Cumar oo Noqon doonta Gabadhii Ugu Horeysay oo Muslimad ah Kana mid Noqota Xildhibaanada Maeykanka

Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaali Mareykan ah ayaa 8 maalin kadib qarka u saraan in ay noqoto gabadhi ugu horreysay oo Muslim, muhaajir Mareykan ah oo noqota xildhibaan.

22 sano ka hor Ilhan Omar oo ah gabar ku dhalatay dalka Soomaaliya balse hadda heysato dhalashada Mareykanka, waxay ku nooleyd xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Hadda waxay indhaheedu hayaan oo ay qarka u saarantahay in ay ka mid noqoto xildhibaanada Aqalka Wakiilada ee Gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka, kadib marki ay guul weyn kasoo hoysay ololihii doorashooyinki horudhaca ahaa ee sanadkaan.