Imaan Masjid oo lagu dilay magaalada New york ee Wadanka Mareykanka

Imaam Masjid oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka bangladesh, ayaa lagu dilay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii sida laga soo warramay rasaas ooda kaga qaaday nin hubeysan oo weli heybtiisa la garanin.

Waxaa kaloo ninkaasi hubeysan dhaawac halis ah uu  gaarsiyay qof kale oo la socoday Imaamka,ninkaasi ayaa la sheegay inuu marxuumiintaasi ka toogtay dhabarka dambe.

Afahayeen u hadlay Booliska magaalada New York, ayaa sheegay inaynan haynin cadeymo la xiriira inay dhacdaasi ku lug leedahay fal argagixiso iyo in kale.

Warku wuxuu intaa ku daray in xubno ka tirsan Jaaliyadda Muslimiinta magaaladaasi ay isugu soo urureen goobta falku ka dhacay, waxayna falkaasi tilmaameen arrin jariimad ah, waxaana la sheegay in ninka dilka geystay uu goobta isaga tagay isagoo aan la qabanin.

Dilka Imaamaakasi kadib, waxaa barxadda Masjidka ugu weyn ee  magaalada New yourk ka dhacaay dibadbax ay isugu soo baxeen Muslimiin fara badan kaa oo looga soo horjeedo dilka Imaamka, waxayna codsadeen in cadaaladda la horkeeno gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilka Imaamka.

 

f51a7567-708a-40f5-bcd1-1c293cce95f8 Muqtaar-640x360