ISU IMAAD LAGU TAAGERAYO JOOJINTII QAADKA EE DOWLADA FEDERALKA AYAA LAGU QABTAY CAASIMADA WADANKA

Munaasabad isku imaad ah oo ay soo qaban qaabiyeen dhaliyaro ku midaysan urur u olaleyo mideynta soomaaliya iyo arrimaha dhalinyarada  kaas oo lagu magaacaabo Ururka mideynta Guud ee Soomaaliyeed ayaa manta lagu qabtay caasimada wadanka soomaaliya ee Muqdisho.

Isu imaatinka ayaa ka dhacay xarunta jaamacad Daarul xikma ee magaalada muqdisho, qaban qaabiyasha isu imaatinka aya ku tagerayaan xanibaadi ay dowlada saartay qaadkii kaga iman jiray dalka wadankaa Kenya, iyagoona ku baaqay in xanibaadaas toos looga jaajiyo guud ahaan wadanka oo dhan, wayo wuxuu aafo u yahay dhaqaalaheena iyo nabad gelyadeena waxaana haboon in si toos ah loo joojiyo sidaana waxaa sheegay mid ka mid ah dadkii isu imaatinka ka qeyb galayey.

Ururka Mideynta Guud ee Soomaaliya ayaa ah urur ay ku midaysan yihiin dhalinyaro soomaaliyeed oo u dhaqdhaaqa arrimaha mideynta iyo arrimaha la xiriira dhalinyarada iyo dhaqanka wana urur anaan wax siyaasad ah ku xirneyn balse ka shaqeya ayaatiinka dhalinta iyo arrimahooda.

Isu imaatinkan ayaa ah kii ugu horeyey ee lagu qabto caasimada ama guud ahaan Gobolada Soomaaliya laguna taagerayo joojintii qaadka walow qaar ka mid ah maamulada dalka ka jiray ay iska indha tireyn baaqii dowlada ee lagu joojinayey.

Munaasabadan oo qudbad ka soo jeediyey gudoomiyaha qeybt Magalaada muqdisha ee ururka mideynta guud ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Xuseen Jimcaale ayaa aad iyo aad uga hadlay dhibaata uu qaadka u leeyahay qoyska iyo in si wanagsan loogu howl galo sidii loo joojin lahaa wuxuna sidoo kale fariin u diray inta isticmaasho balwadan qadka ah.

xafladan isu imaatinka ah ee looga soo horjeeda qaadka laguna taagerayey joojintii la hakiyey imanshihiisii dalka ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi wanagsan oo farax leh.14265085_1163105460431329_314070947422531553_n qaadka qaadka1 qaadka2 qaadka3