Jaamacad Loogu Magac Daray Madaxweynaha Turkiga Oo Muqdisho Laga furay…Sawiro

Magaalada Caasimada Ee Muqdisho Maanta waxaa ka dhacay Munaasabad Lagu Daahfuraayay Jaamacad Lagu Baran doono Cilmiga Caafimaadka Taasi oo loogu Magacdaray Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Jaamacadaan waxaa hirgaliyay Dowlada Turkiga waxaana laga dhexfuray isbitaalka Ordugan Ex Digfeer ee magalaad Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu furayay jaamacada cusub oo loogu magac daray jamaacadda cilmiga caafimaadka ee Ordugan.

Turkiga Wuxuu Caawinaad siiyaa Dowlada Federaalka iyo Shacabka Soomaliyeed .

2 3 4 img_0097 img_0013 img_0019-640x427