Jaamacado Ku yaala muqdisho oo la Xiray iyo Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo ka hadashay.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya C/Qaadir Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Wasaaraddiisu aysan xirin Jaamacado ku yaalla Muqdisho ama gobollada midna kadib markii ay warar noocaasi ah baahiysay warbaahinta qaarkeed.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ay jiraan Jaamacadi iskood u xirmay kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay caadi tahay in ay Jaamacad xiranto.

Wararka la xiriira in Wasaaradda waxbarashada ay xirtay Jaamacada qaar oo dhameystiri waayay tayadii waxbrashada sare ee ay ballan qaadeen in ay barayaan Ardeyda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Wasiirku waxaa uu sheegay in wasaaraddiisu ay wadday qorshe ay ku sameyneyso Guddiga tacliinta sare ee dalka laakiin uu joojiyay kadib markii sida uu sheegay uu waqtiga ka dhacay Wasaaraddiisa iyo Dowladda hadda jirtaba,waxaana uu ballan qaaday in haddii uu soo laabto uu sameyn doono ama wasiirka isaga beddela uu shaqadaasi qaban doono.