Jamaahiirta Man United Oo Ku Heesay “Diego” Jose Oo La Amakaagay Si Qalad Ahna U Fahmay & Micheal Carrick Oo U Sharaxay Micnaha Ku Jira. (+Sawiro)

Jose Mourinho ayaa u muuqday mid aan la dhicin jabaq uu ka maqlay Jamaahiirta martida ahaa ee Manchester United kuwaas oo ku sugnaa garoonka Stadium of Light intii lagu jiray kulankii ay kooxdiisa 3-0 kaga adkaatay Sunderland.

Zlatan Ibrahimovic, Henrikh Mkhitaryan iyo Marcus Rashford ayaa sadex gool shabaqa gaarsiiyay waana guushii ugu weyneyd mudooyinkii lasoo dhaafay oo ay gaarto Red Devils.

Si kastaba Jose ayaa qaadan waayay ilaa markii dambe uu gadaal ka fahmo iney Jamaahiirta Man United ku heesaan “Diego Diego” taasoo ah amaan ay huwinayeen xidigii hore Red Devils iyo xulka qaranka Uruguay Diego Forlan, kaas oo laba gool ka dhaliyay Liverpool kulan ka dhacay Anfield waqtigiisii kooxda.

Macalinkii hore Chelsea wuxuu jahawareeray wuxuuna u qaatay in Jamaahiirta ay amaanayaan Diego Costa iyagoo isaga ku naceynaya, balse arinku sidaa waa ka duwanaa.

Michael Carrick ayaana u sharaxay Jose Mourinho waxa ay kala jeedaan heestaas, waxaana ku jirta erayada heesta “Wuxuu ka yimid Uruguay:” taasoo qancisay tababare Jose Mourinho.

Sawirada waxey muujinayaan inuu la yaabay Jose, balse waxaa ka qanciyay wax walba kabtanka labaad ee kooxda Carrick oo bartay dhaqanka iyo wax walba oo ku saabsan kooxda.