John Kerry oo xaaladda Suuriya kala hadlaya madaxda qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa waxa uu ku wajahan yahay magaalada London ee dalka Britain.
Kerry ayaa doonaya inuu uu wadatashi ku saabsan Suuriya la yeesho wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Britain, Faransiiska, iyo Jarmalka.
Arrintaasi waxay daba socotaa kaddib markii sabtidii Kerry uu la kulmay wasiirada arrimaha dibadda ee Ruushka iyo dalalka deriska la ah Suuriya.
Kullankaas oo ka dhacay dalka Switzerland, waxay ku fashilmeen madaxdii ka qeybgashay, inay heshiis xabad joojin ah ka gaaraan colaadda Suuriya.
Laakiin Kerry waxa uu sheegay in fikrado cusub laga wada hadlay, ayna dhallinkaraan fikradahaasi in hanaano kala duwan nabad looga dhaliyo Suuriya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, wuxuu fikradaha cusub ku tilmaamay inay yihiin kuwa muhiim ah.