Jose Mourinho Ayaa Sheegay Inuu Rajo Mustaqbal Ka Qabin Kabtanka United Weyn Rooney————-

Jose Mourinho ayaa doonaya in uu iska rido culeyska kabtan Weyne Rooney mana aaminsana in uu mustaqbal dheer ku leeyahay Old Trafford.

Kaartiistaha reer Portugal waxa uu diyaar u yahay in uu safkiisa is bedelo baaxad leh ku sameeyo kaddib markii uu arkay in xiddigihiisa waxtar yaridda la yimi badi ololahan dhibaatoodeen.

Manchester United waxa ay iminka sideed dhibcood ka hooseysaa hogaamiyeyaasha horyaalka, Liverpool xilli la aaday kulamada qaramada, United waa laga saaray loolanka Premier League.

Mourinho waxa uu qorsheenayaa sideed is bedel marka uu suuqa bisha Janaayo furmo waxaana xigi doona kuwo kale gaba gabada xilli ciyaareedka.

Weyne Rooney waxaa ku adkaatay in uu boos joogta ah ka helo United xilli ciyaareedkan tan iyo markii uu Mourinho awooda kala wareegay Louis Van Gaal.

Hase Yeeshee , 32 jirka wali qandaraaska kula jira United waxa uu diiday heshiis uu toddobaadkii ku qaadanayo £300,000 oo uga yimi horyalka China Super League koox ka dhisan oo loo garanayo Beijng Guoan.

Mourinho kama hor istaagi doono hadii uu aqbalayo dalabyada uga imaanaya China ama xitaa horyaalka MLS-ka Mareykan oo ay xiiseeneyso LA Galaxy.

Rooney waxa uu laba gool u jiraa Sir Bobby Charlton, kaas oo 249 gool ku haya hogaanka gool dhalinta taariikhda United.

WQ: ISMACIIL CABDI IBRAHIM { SANKA }

rooney

rooney-4

rooneey2