Jose Mourinho Oo Wacad kumaray In uu Guulo Ku Samatabixin Doono Man United Isagoo Raacaya Dariiqi Sir Alex Ferguson

Jose and SAF                             Morinho oo wacad kumaray  inuu Gaaro Guulo, lakiin aan balan Qaad sameyn karin

 

Tababare Jose Mourinho ayaa habeenkii xalay ahaa  wacad ku maray in uu Manchester United guulo la taaban karo ku samatabixin doono, balse wuxuu diiday inuu balan qaadoo qaab ciyaareedka wanaagsan mar walba.

Macalinka reer Portugal ayaa soo jeediyay in falsafadda ayManchester Untied ugu guuleysan karto qaab ciyaareedka ay tahay wax khuraafaad ah isagoo shaaca ka qaaday in xitaa Sir Alex Ferguson uu cadaadis saari jiray dhibcaha ka hor madadaalada.

Jose Mourinho oo lagu tiriyo macalimiinta guulaha la saaxiibka ah ayaa laga sugayaa inuu bogsiiyo xanuunadii ay Jamaahiirta Red Devils ka dhaxleen David Moyes iyo Louis Van Gaal, wuxuuse u sharaxay falsafadiisa uu doonayo inuu guulo ku gaarsiiyo.

 

“Waxaan kusoo koray kubadda cagta anigoo tababare ah tan iyo 2001 wax badan iyo wax yar, gaar ahaan marka aan imid England 2004, waxaan arkay Man United iney tahay koox guul, aysan aheyn koox mar walba weerar ah” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Waan la ciyaaray wax badan Manchester United, Red Devils waa koox difaaceed. Markii ay ciyaarayeen Real Madrid vs Manchester United kulan ka dhacay Madrid. waxey kubadaha kasoo karooseen khadka dhexe laba jeer, Wayne Rooney wuxuu ciyaarayay dhinaca bidix si uu u difaaco daafaca midig”

“Waxaan arkay iney tahay mar walba koox guul, leh falsafad weerar ku dhisan, balse kooxda guuleysata waxey u baahan tahay iney dhaliso goolal ka badan inta laga dhaliyay”

Si kastaba Jose Mourinho ayaa u sharaxay Jamaahiirta Manchester United inuu kaliya ku xisaabtami doono guulaha kooxda balse uusan ku xisaabtami doonin madadaalo iyo in kooxdiisu ay weerar ahaato 90-ka daqiiqo.

“Waxaan dooneynaa inaan guuleysano kulamada, ku guuleysano tartamada, si aad u guuleysato kulamada go’doonka waa inaad ciyaarto kubad xun, balse si aad ugu guuleysato tartanka waxaad u baahan tahay inaad u ciyaarto si wanaagsan. Taasina waa waxa aan u baahanahay”

Manchester United Manager Jose Mourinho answers questions from the media
Mourinhooo jawab kulul ka bixiyay wararka media
Manchester United Manager Jose Mourinho chats to Wayne Rooney
Mourinho oo la sheekeysanaya Wayne Rooney.
Paul Pogba oo training ka soo Dhex muuqday.Paul Pogba of Manchester United

Morinho ayaa shegay in United ay ku farax san tahay saxiixa lama filanka ee Henrikh Mkhitaryan, Zlatan Ibrahimovic iyo Paul Pogba qarashadkii layabka lahaa ee lagu bixiyay.