Jurgen Klopp oo sheegay in Daniel Sturridge uusan ka tagi doonin kooxda Liverpool

Jurgen Klopp oo sheegay in Daniel Sturridge uusan ka tagi doonin kooxda Liverpool 02 December 2016

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada lagu iibinayo Daniel Sturridge laakiin ma uu xaqiijin in weeraryahanka reer England uu seegi doono kulanka axada ee Bournemouth dhaawac dartiis.

Sturridge ayaa ka maqnaa labadii kulan ee la soo dhaafay oo kooxda Liverpool eey la ciyaareen Sunderland iyo Leeds ka dib dhaawac kubka ah, isagoo aan weli ku soo laaban tababarka kooxda koowaad.

27-sano jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto oo u dhameysto 90 daqiiqo oo buuxda kooxda Liverpool ee Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo lagu bilaabay kaliya shan ka mid ah 13 kulan.

Sturridge oo ku dhibtooday inuu si fiican ciyaaraha uga soo muuqdo ayaa keentay in wararka la isla dhexmarayo loo ogolaan karo inuu ka tago Anfield bisha Janaayo, laakiin Klopp ayaa shaaca ka qaaday in uusan tageenin islamarkaana uu yahay xubin muhiim ah oo ka mid ah kooxda.