Ka Hor Kulanka Champions Leaque-ga Ee Celtic Vs Barcelona, Brendan Rodgers Oo Aaminsan In Luis Suarez Uu U Qalmo Abaal Marinta Ballon d’Orka Iyo Rodgers Oo Si Wayn U Amaanay Lionel Messi

Tababarihii hor ee kooxda Liverpool isla markaana hadda maamulka kooxda Celtic ee Brendan Rodgers ayaa ka hor kulanka Barcelona sheegay in Luis Suarez uu u qalmo abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’orka. Rodgers oo Suarez kula soo shaqeeyay Anfield ayaa ku dooday in marka la fiiriyo qaab ciyaareedkii Suarez ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay in aanu jirin ciyaartoy uga xaqle in uu ku guulaysto Ballon d’Orka.

Luis Suarez ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay soo badhigay qaab ciyaareed layaableh kadib markii uu 59 gool ku dhaliyay 53 kulan isla markaana uu Barcelona ka caawiyay in ay koobka La Ligaha ku guulaysto sanadkii labaad oo xidhiidh ah. Suarez ayaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo muddo dheer kadib ku garaacay gool dhalinta La Ligaha iyo kabta dahabka ah ee Yurub. Suarez ayaa ku jira liiska ciyartoyda u sharaxan abaal marinta Ballon d’orka 2016.

Brendan Rodgers oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Barcelona ayaa si gaar ah u soo qaatay Luis Suarez iyo xaqa uu u leeyahay Ballon d’Orka wuxuuna yidhi: “Haddii aad ka hadlaysaan Ballon d’Orka iyo sanadkii la soo dhaafay, kadib waxaan filayaa in aanu jirin cyaartoy ka fiican Luis Suarez. Marka la eego abaal marintaa, waxaan filayaa in Suarez uu aad ugu qalmo sidii uu u ciyaaray, wixii uu kooxda siiyay, sidii uu kooxda u qaaday, iyo heerkii uu sida joogtaada ah ugu ciyaaray”.

Intaa kadib kadib Rodgers ayaa si wayn u amaanay Lionel Messi oo uu sheegay in uu jeclaa tan iyo markii uu arkay isaga oo 16 ama 17 sano jir ahaa wuxuuna yidhi: “Laakiin dhagayso, Lionel Messi waa ciyaart0y aan u khushuucay tan iyo markii aan arkay isaga oo yaraa. Waxaan isaga arkayay tan iyo markii uu ku jiray kooxda 16 ama 17 sano jirka, isla markaana tobankii sanadood ee ugu danbeeyay waxa uu ahaa mid xusuus mudan”.

Rodgers oo ka sii hadlaya tayada Messi ayaa yidhi: “Tayadiisa iyo waxa uu qabtay kaliya waa mucjiso. Anigu waxaan nasiib u yeeshay in aan la soo shaqeeyay Luis, sidaa daraadeed waxaan aqaan tayadiisa laakiin labaduba waa laba ciyaartoy oo cajiib ah”.

skysports-barcelona-lionel-messi-neymar-luis-suarez-champions-league_3812573

matey_2978407

cx4nl4owgaarqvp