Khasaare ka dhashay qaraxyo saakay ka dhacay Degmadda Deyniile Muqdisho.

Inta la Xaqiiyay Sadex ruux ayaa ku dhaawacantahey laba qarax oo Saaka ka dhacday Degmadda Dayniile ee Gobolka Banaadir garahaan wadada Jayga ee degmadaasi.

Mid ka mida laba qarax ayaa lala eegtay Xoghayaha degmada Deyniile Mahad Maxamed Shire waxuuna warbaahinta u sheegay in qaraxaasi uu gaarigiisa bur bur kaliya u geystay balse asagu ka badbaaday.

Qaraxa kale ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen labba ruux oo shacab aysana jirin dhimasho ka dhalatay qaraxyada Saaka ka dhacay degmadda Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay qaraxyadu ka dheceen waxa ayna halkaasi ka bilaabeen Howl galo, waxa ayna xiseen Wadooyinka soo galo Goobta uu qaraxu ka dhacay.

Majirto cid sheegatay Masuuliyadda labadaan qarax balse inta badan weerarada ka dhaca magaaladda Muqdisho oo lagu qaado Masuuliyiinta Dowladda waxaa sheegta Al Shabaab.