Kooxada Kubada Cagta Bayern Munich Oo Shaacisay In Xidigo Muhiim U Ah Kooxda Ay Weyn Doonto Habeyn Danbe=—————

Kooxda Bayern Munich ayaa shaacisay inay wayn doonto afar laacib oo muhiim ah kulanka ay u safri doonaan habeen dambe kooxda FC Rostov.

Manuel Neuer, Arjen Robben, Arturo Vidal iyo Javier Martinez ayaa la xaqiijiyay inay seegi doonaan kulanka Bayern ay laciyaari doonto kooxda ka dhisan dalka Ruushka sida uu baahiyay Sport1.

Goolhaye Neuer ayaa ku seegi doona kulanka nasiino kadib markii uu soo gaaray dhaawac fudud, halka Robben, Martinez iyo Vidal ay ku seegi doonaan dhaawac dhanka muruqa ah, waxaana la filayaa inay taam u noqdaan kulanka sabtiga ee Bayer Leverkusen.

Dhanka kale Kingsley Coman oo horay dhaawac uga maqnaa kooxda ayaa seegi doona kulanka habeen dambe kadib dhaawicii ka soo gaaray tababarka xulka Faransiiska.

12471

cx1hk8iviaagpxz