Kooxda Bournemouth Oo Soo Laabasho Layaableh Guushiidee Abid Ugu Horaysay Kaga Gaadhay Liverpool Iyo Kooxda Klopp Oo Daqiiqado Kooban Lagu Burburiyay—————-

Kooxda Bournemouth ayaa Liverpool iyo aduunka ka yaabsatay kadib markii ay 15 daqiiqo kaga soo kabsatay hogaanka ay Liverpool 3:1 ka kaga haysay waxayna kooxda Bournemouth gaadhay guusheedii abid ugu horaysay ee ay Liverpool ka soo hayso.  Liverpool ayaa ilaa daqiiqadii 75 aad hogaanka ciyaarta ku haysay 3:1 laakiin wax kastaba waxaa badaashay Bournemouth oo Klopp iyo kooxdiisa dhinaca kale ugu dhigtay natiijada ciyaarta waxayna guul ku gaadheen 4:3.

Liverpool ayaa iska lumisay fursad dahabi ahayd oo ah kaalinta labaad ee Premier Leaque-ga ugu soo laaban kartay laakiin waxaa ka yaabsatay Bouremouth oo samaysay soo laabasho aan marnaba la qiyaasi karin iyada oo Klopp iyo kooxdiisu ay jawaab u waayeen waxa garoonka ka socday.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BOURNEMOUTH (4-2-3-1): Boruc; Smith, Francis, Cook, Ake; Gosling, Arter; King, Wilshere, Stanislas; Wilson.

KAYDKA:Pugh, Afobe, B Smith, Fraser, Mings, Ibe, Federici.

LIVERPOOL (4-3-3): Karius; Clyne, Lovren, Lucas, Milner; Can, Henderson, Wijnaldum; Mane, Firmino, Origi.

KAYDKA:: Mignolet, Moreno, Lallana, Klavan, Alexander-Arnold, Ejaria, Woodburn.

Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabtay dardar cajiib ah waxayna markiiba go’doomisay kooxda ay martida u ahayd ee Bournemouth oo difaac buuxa gaashay kadib fursad aburuis iyo weerar joogto ah oo ay kooxda Klopp markiiba bilawday waxayna Liverpool u muuqatay kuwo ay adag tahay in shabaqa laga joojin karo.

DAQIIQADII 10 Aad Liverpool ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda furitaanka kadib markii uu Clyne kubbad qurux badan oo hormariyay goolka Bournemouth laakiin Origi oo talaabo u jiray goolka Bournemouth ayay kubbadu si sahlan ku dhaaftay, wuxuuna garan waayay qaabkii uu fursadan layaableh ku qasaariyay.

DAQIIQADII 20 AAD GOOOOOOOOOOL! Liverpool ayaa heshay goolkeeda furitaanka kadib culays badan oo saartay difaaca Bourenemouth waxaana goolka ay Reds dadaalka badan ugu jirtay u saxiixay Sadio Mane kaas oo si fiican u garaacay difaaca Ake isla markaana kubbada shabaqa u dhaafiyay goolhaye  Boruc, waxaana goolkan caawintiisa si qurux badan u sameeyay Emre Can waxayna natiijada ciyaartu noqotay 1:0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 22 AAD GOOOOOOOOOOL! Alla muxuu gool ahaa! Haddii uu  Divock Okoth Origi daqiiqadii 10 aad dhalin waayay kubbad kaliya u baahnayd in shabaqa lagu taabto, waxa uu markan dhaliyay gool cajiib ah isla markaana si wayn looga yaabay kadib markii uu cidlo uga tagay goolhaye Boruc isla markaana uu meel xerada ganaaxa Bournnemouth ka baxsan ka darbeeyay kubbad u muuqatay in ayna macquul ahayn in laga dhalin karo xagasha uu goolka ka joogay, laakiin Origi ayaa suurtogal ka dhigay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Liverpool laba daqiiqo gudahood ku heshay goolka labaad.

Jordan Henderson ayaa kubbad weerar deg deg ah u bixiyay Origi kaas oo markiiba kubbada la soo gaadhay goolka Bournemouth si uu kooxdiisa hogaanka ugu dheereeyo. Bournemouth ayaa waqtiga goolkan laga dhalinayay weerar kuwada maqnayd iyada oo goolka Sadio Mane uu qorshihii kooxda martida ahaa ee difaacaso u badnaa uu badalay.

Bournemouth ayaa iska ilawday difaacii ay ciyaarta ku bilaabtay waxayna markan si xoogan u raadinaysay sidii ay shababa Liverpool ku gaadhi lahayd, laakiin difaaca Liverpool ayaa si adag u soo jeeday waxayna sidoo kale Reds doonaysay in ay hesho goolka saddexaad si ay qaybta h–e ciyaarta u dili karto.

DAQIIQADII 37 AAD Kooxda Bournemouth ayaa ku dooday in ay rekoodhe heleen kadib markii Ake uu cadaadis kala kulmay Firmino waxayna u muuqatay in xidiga ree Brazil uu taabtay Nathan Ake laakiin garsoore Madley ayaa tilmaamay in aanu wax qalad rekoodhe lagu dhigaa meesha ka dhicin.15kii daqiiqo ee ugu danbeeyay qaybtii h–e ayay Bournemouth dadaal badan samaysay laakiin qaybtii h–e ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Reds hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Bournemouth soo laabtay iyada oo dardar fiican ku socotay isla markaana doonaysa in ay ciyaarta wax ka badasho oo ay ugu yaraan marka h–e soo yarayso farqiga goolasha si ay fursad soo laabasho u heli karto.

DAQIIQADII 55 AAD  Bourenmouth ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay waxaana ciyaarta Junior Stanislas kaas oo qalad kala kulmay Jordan Henderson oo kaadhka digniinta ah loo taagay waxaana lagu soo badlaay Ryan Fraser kaas oo markiiba natiijada ciyaarta wax ka badalay.

DAQIIQADII 56 AAD REKOODHE!. Saamaynta xidiga badalka ku soo galay ee Ryan Fraser ayaa markiiba la dareemay kadib markii uu qalad rekoodhe ah kala kulmay James Milner waxayna Bournemouth heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay ciyaarta ugu soo laaban kartay.

DAQIIQADII 56 AAD GOOOOOOL! Waxaa kubbada qaatay  Callum Wilson kaas oo jahada qaldan u diray goolhaye  Karius wuxuuna kooxdiisa uga faa’iideeyay rekoodheha lagu abaal mariyay isaga oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali Liverpool hogaanka ciyaarta ku hayso.

Xamaasadii Bournemouth ayaa dib u soo noolaatay laakiin Liverpool ayaa markiiba bilawday in ay u dagaalanto sidii ay ku soo ceshan lahayd hogaankii labada gool ahaa waxayna markiiba bilawday weeraro ay culayska ku saartay Bournemouth oo doonaysaysay in ay la timaado goolka barbaraha.

DAQIIQADII 64 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Emre Can ayaa kooxdiisa ka dulqaaday culayska Bournemouth ka ka soo wajahayay kadib markii uu abaalkii gool caawineed ee uu u sameeyay Sadio Mane markiisa ka helay, wuxuuna Emre Can ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Reds dib ugu soo ceshatay hogaankii labada gool ahaa, waxayna noqtay markii ugu horaysay ee Emre Can uu hal kulan gool ka dhaliyay isla markaana uu gool caawin ka sameeyay. Can ayaa si qurux badan u dhamaystiray kubbada uu Mane ka helay.

DAQIIQADII 76 AAD GOOOOOOOOOOL! Bournemouth ayaa wacdaro layaableh la soo baxday waxayna heshay goolka ay marale ku soo yaraysay farqiga goolasha Liverpool waxaana goolkan u saxiixay Ryan Fraser kaas oo gool caawin ka helay Benik Afobe waxayna ciyaartu noqotay 3:2 ay wali Liverpool hogaaka ku sii haysay.

DAQIIQADII 78 AAD GOOOOOOOOOOL! Laba daqiiqo oo kaliya kadib ayay Bournemouth ciyaarta si dhab ah ugu soo laabtay waxayna la timid goolka barbaraha ee ay Liverpool kaga yaabsatay waxaana markan Reds ugu qubeeyay Steve Cook kaas oo markiisa ciyaarta ka dhigay barbaro 3:3 ah. Liverpool ayaa burburtay waxayna iska lumisay hogaanka ay 3:1 ku haysay.

DAQIIQADII 90 AAD Origi ayaa ugu dhawaaday in uu Liverpool u keeno goolka guusha laakiin waxaa soo laabashada Bournemouth si layaableh u dhamaystiray  Nathan Ake kaas oo difaaca Liverpool iyo goolhaye  Karius qalad ay sameeyeen ku ciqaabay wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay goolka layaabka noqday ee uu ciyaarta kag adhigay 4:3 ay markii ugu horaysay Bournemouth hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Liverpool ayaa si micno daro ah iskaga lumisay hogaanka ay 3:1 ku haysay ilaa haddii qadiiqadii 75 aad waxana 15 daqiiqo lagaga dhaliyay 3 gool taas oo wadno xanuun iyo u qaadan waa ku noqday Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu u muuqatay in ay si sahlan ku helaysay saddexda dhibcood. Waa guuldaradii ugu horaysay ee Liverpool soo gaadhay tan iyo kulankii labaad ee Premier Leaque-ga markaas oo Burnley si  lama filaan ah guuldaro ugala soo kulantay.Waxayna ciyaartu ku dhamaamatay 4:3 ay Bournemouth ku dubatay Liverpool.

1480859875154_lc_galleryimage_liverpool_manager_jurgen_

1480862978729_lc_galleryimage_bournemouth_v_liverpool_p

1480862994899_lc_galleryimage_bournemouth_v_liverpool_p

1480863340442_lc_galleryimage_bournemouth_england_decem

1480863791823_lc_galleryimage_emre_can_of_liverpool_sco

1480864201805_lc_galleryimage_bournemouth_v_liverpool_p

1480864201805_lc_galleryimage_bournemouth_v_liverpool_p1

1480864418522_lc_galleryimage_britain_football_soccer_a

1480864490149_lc_galleryimage_bournemouth_england_decem

cy1nvn4xeaam1nx

cy1ofxiw8aaydoe

cy1ofxiweaaivqx

cy1ofxixcaed7rl

cy1p1hnxeaaw_8b

cy1rsf0xuaaqdad