Kooxda Kubada Cagta Ee Barcelona Ayaa Xan Hoose Ku Raadineysa Xidig Ka Tirsan Kooxda Liverpool————-

Sida ay warineyso majaladda SPORT ee kasoo baxda dalka Spain gaar ahaan gobolka Catalonia kooxda Barcelona ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa kubad sameeyaha da’da yar ee kooxda Liverpool Philippe Coutinho iyadoo qorshaheedu yahay iney lasoo saxiixato marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.

Kubad sameeyahaan tayada wanaagsan ayaa xiriir dhaw la leh weeraryahanka Barcelona Neymar Junior kaas oo ay si wadajir ah isaga garab ciyaaraan qaranka Brazil, waana sababta ay Barca ugu aragto iney si fiican isugu fahmi karaan garoonka Camp Nou.

SPORT ayaa sidoo kale fahansan in Philippe Coutinho uu kusoo bixi karo shaxda macalin Luis Enrique madama uu yahay ciyaariyahan fahansan kubadaha isku dhiib-dhiibka ah ee laga ciyaaro garoonka Camp Nou.

Dhanka kale Philippe Coutinho ayaa ka mid noqday ciyaartoyda xagaagan sida weyn uga soo muuqday EPL-ka madama uu dhaliyay 5-gool 11-kulan oo ay kooxdiisa ciyaartay kulamada horyaalka sidokalana uu ka caawiyay iney kali ku noqoto hogaanka horyaalka markii ugu horeysay mudo laba sanadood ah.

Barcelona ayaa xiriir fiican la leh Liverpool iyadoo sanadkii 2014 kala soo wareegtay weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez kaas oo ahaa xidigii ugu muhiimsanaa Reds waqtigii Branden Rodgers.

 

WQ: ismaciil cabdi ibrahim { sanka }

sa