Kooxda Kubada Cagta Inter Millan Oo Lacag Dhan €50M Ku Raadineysa Macalin Diego Simeone——————–

Inter Milan ayaa sida kasii werinayo quuri doonta €50m oo euro si ay Diego Simeone xilli hore ugasoo fara mariso Atletico Madrid sida uu dhigayo Corriere dello Sport.

Qarsoodi ma aha in Cholo uu jeclaan lahaa ku laabashada San Siro, oo uu waayihiisa ciyaareed qaar kusoo qaatay, safar uu dhowaan halkaa ku tegey ayaana sii shiday shakigaas.

Waayo mar la waydiiyay inuu dib ugu laaban doono Nerazzurri, wuu dhoolla caddeeyay isagoo ku war celiyay: “Yaa og hee.”

Sida uu qorayo Corriere dello Sport cadadkiisii maanta, milkiilayaasha Chinese-ka ah ee Suning Group ayaa diyaarinaya dalab ku kacaya €50m si ay Simeone ugusoo celiyaan naadigiisii hore.

Qandaraaskiisa Atletico Madrid ayaa dhowaantan lasoo gaabshey iyadoo laga dhigay Juun 2018, si uu fursad ugu helo inuu furo garoonkooda cusub ee Estadio La Peineta.