Kooxo Hubeysan oo Xalay Weerar ku qaaday Guri uu daganyahay Taliyaha Howlgalinta Hey’adda NISA

Askari ayaa ku dhintay 2 kalena wey dhaawacmeen Bam lagu tuuray Guriga taliyaha howlgalinta NISA,Aadan Max’ed Cumar oo ku yaalla Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka oo dhacay xalay fiidkii ayaa Ciidanka NISA ee degganaa halkaasi kadib ay billaabeen baaritaan,lagu raadinayay dadkii ka dmabeeyay weerarka.

Xaaladda Degmada ayaa ah mid deggan,waxaana dhaawacyadii ka dhashay la dhigay Isbitaalka,Aadan Max’ed Cumar,ayaa xilligaas ka maqnaa Guriga.

Aadan,waxaa uu horay u ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Dharkenley,waxaana markii laga qaaday kadib loo magacaabay taliyaha Howl gelinta Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.