Kooxo Hubeysan oo Xalay Xaafada islii ku Toogtay Nin Ganacsade Soomaliyeed

nin ganacsade ah ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen xaafadda islii ee magaalada Nairobi ee dalka Keny,iyagoo ay sidoo kale tiro aan la cayamin oo lacag ah ka qaatay marxuumkaasi..

Ninka la diley oo magaciisu ahaa Mustafa Sheekh, oo 35 sano jir ah,ayaa ku sugnaa xarunta shirkad lagu magacaabo Kenzi Enterprise ,taas oo ku dhoweyd masjidka Dar Es Sal halkaas oo ay weerar u soo qaadeen shan nin oo midkood ku hubeysanaa bastoolad.

Saraakiisha saldhiga booliiska ee Shauri Moyo, ayaa goobta ka soo qaaday alaab xiran oo la aaminsan yahay in uu lahaa ninka geeriyooday, kuwaas oo hadda baaritaan uu ku socdo.

Bishii la soo dhaafay, hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa labo kamid ah ilaaladiisa lagu dhaawacay xaafadda Islii, iyadoo sidoo kale nin kamid ah booliiska xaafadaas oo lagu magacaabo C/casiis Maxamed laga xaday bastooladiisa taas oo ilaa iyo hadda aan la helin.