Kulamadii Xalay Ee Champions League Oo Kooxo Adag Usoo Baxay Wareega 16ka Halkaan Ka Aqriso——-

Kooxda Leicester City ayaa layaabkii xili ciyaareedkii la soo dhaafay ee Premier Leaque-ga u wareejisay Champions Leaque-ga waxayna guusheedii afraad ka gaadhay kooxda Club Brugge iyada oo kaalinta kowaad xaqiijisay isla markaana u soo baxday wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga. Leicester City ayaa ah kooxda kaliya ee Champions Leaque-ga xili ciyaareedkan ka tartamaysay ee shan kulan hal gool oo kaliya laga dhaliyay. Shinji Okazaki iyo Riyad Mahrez ayaa Foxes gushan ku hogaamiyay.

Kulan kale oo taariikhi ay ayaa Germany ku dhex maray kooxaha Borussia Dortmund iyo Legia Warzaw iyada oo Dortmund ay 8:4 xasuuqday kooxda Legia wuxuuna kulankani noqday kulankii taartiikhda  Champions League-ga ee ay laba kooxood iska dhaliyeen 12 gool. Dortmund ayaa xili horba boos ka samasyay wareega 16 ka kooxood.

Dhinaca kale kooxda Juventus ayaa u soo baxday wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga kadib markii 3:1 ku soo garaacday toban ciyaartoy oo Sevilla ah. Inkasta oo Nicolas Pareja uu Sevilla udhaliyay goolkii ugu koowaad kulankan haddana Juventus ayaa ka faa’iidaysatay kaadh cas oo lasiiyay Franco Vazquez daqiiqadii 36 aad waxaana goolasha Old Lady u kala dhaliyay Claudio Marchisio,Leonardo Bonucci iyo Mario Mandzukic.

Dhinaca kale kooxda AS Monaco ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Tottenham si ay ugu kaalinta kowaad uga gasho Group E isla markaana ay Tottenham uga cidhibtirto Chmapions Leaque-ga.Monco oo aan kulankii 14 aad garoonkeeda wax guuldaro ah ku arkin ayaa iska xaadirisay wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga. Waxaana kaalinta labaad ku soo baxday Bayern Leverkusen.

Real Madrid ayay ku gaadhay daqiiqadii 87 aad in ay guul ka soo gaadho kooxda Sporting Lisbon oo inta badan qaybtii danbe toban ciyaartoy ku dhamaysatay waxaana guushan Madrid ka soo caawiyay Varane iyo Benzma waxayna Real Madrid u soo baxday wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga.

1uo7j7l786kyc1t3wn9gaktyn4

1479846442083_lc_galleryimage_football_soccer_sporting_

1479851232697_lc_galleryimage_image001_png

1479851510961_lc_galleryimage_image001_png

1479851519560_lc_galleryimage_image001_png

cx5eyd6wgaazbwj

cx5f7skwqaevhnj

cx5jmkqwiaakw7i

leicester-club-brugge_1u4rmt3hxq6531s64t6vbtinrt