Kulamo Xasaasi Ah Oo Gaalkacyo Lagu wado Inee Kadhacaan

Wararka ka imaanayo Magaalada Gaalkacyo ee xarun goboleedka Mudug ayaa ku waramayaan in maanta lagu wado in halkaasi ay kulamo kala duwan ay ku yeeshaan guddiga loo xil saaray in ay xaliyaan dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale wararka ka imaanaya Gaalkacyo ay sheegayaan in ay suurta gal  tahay in maanta la kala qaado ciidamada isku horfadhiya Galbeed Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa sidoo kale jira khilaaf cusub oo soo gala dhex galay guddigii loo xilsaaray in ay xaliyaan colaada Gaalkacyo , waxaana uu salka ku haya sida loo wajahaayo wadahalada nabada Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah waxgaradka Puntland gaar ahaan gobolka Mudug ayaa si weyn u diiday qaabka loo soo xulay guddiga nabad raadinta Gaalkacyo.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa wali degan , waxaana madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku sugan Gaalkacyo ay ku dadaalayaan sidii nabad uga dhalan laheyd Gaalkacyo.