Kulan Ra,yi uruurin ah oo ay isla soo qaban qaabiyeen Wasaarada qorsheynta Jubbaland iyo UNDP oo lagu soo gabagabeeyey Kismaayo+Sawirro

Kulan socday mudo seddex maalin oo la isku weydaarsanayay afkaar ayaa lagu gabagabeeyey Hotel  Agan ee magaalada Kismaayo,

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen labada gole ee dawladda iyo wakiilo kakala socday wasaaradaha iyo ururada bulshada ayaa waxaa la isku weydaarsanayay dood cilmiyeed kusaabsaneed sida ay dad weynaha oga qeyqaadan lahaayeen talada qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee wasaaradda qorsheynta,

Kulankan ayaa waxaa si wada jir ah usoo qabanqaabiyay wasaaradda qorsheyta iyo xiriirka caalamiga ee dowladda Jubaland iyo hey’adda UNDP,

Kulan oo uu ujeedkiisu ahaa inay kasoo baxaan maxsuul wanaagsan ayaa kusoo idlaaday si wanaagsan iyadoo uu dood cilmiyeedka uu ahaa mid taabanay dhinacyo badan,

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga Mudane cusmaan Xuseen Xaaji  Feyruus oo xafladda soo xiray ayaa dhankiisa sheegay inay wasaaradiisu diyaar utahay inay ku camal fasho fikirkan laga uruuriyey dad kaqeyb galayaasha kulankan,

“Waxaan balan qaadeynaa inaan ku camal falno fikirkiina saliimka ah eek u aadan sidii ay wasaarada qorsheynta usameyn laheyd qorshooyin wax ku ool ah oo kayimaada dhankiina”ayuu yiri Mudane Feyruus,

Waa markii ogu horeysay oo kulan ceynkanoo kale ah loo qabto ururada bulshada iyo labada gole ee dowladda Jubaland iyadoo looga wada tashanayo sidii ay dowladu ola imaan laheyn qorshooyin ay dadweynaha talo kuleeyihiin,

 

20160808_120655-e1470670149175-640x1138

20160808_123516

20160808_123523-1