Kulanka Ka Tirsan Isreebreebka Koobka Aduunka 2018 Ee Dalka Russia Ee Dhex Mari Doona Liechtenstein Vs Italy

Italy ayaa u duuli doonta Vaduz si ay ula soo ciyaaraan xulka yar ee Liechtenstein iyadoo la filayo in Azzurri ay niyada ku qabato in xulka ay ku tartamayaan groupkaan ee Spain ay 8 gool oo bilaa jawaab ah ay kaga badisay xulkaan yar ee ay caawa wajahayaan.

Liechtenstein ayaana waligood u soo bixin koob aduun ama tartan European Championships taasna ma aha mid dhawaan la rajeynayo, waxay ugu hooseeyaan  aGroup G mana laha wax dhibic ah sidoo kale kaliya hal gool kaliya ayeey dhaliyeen sadexdii kulan ee ay ciyaareen ilaa haatan.  wax guul ah ma aysan gaarin 13 kii kulan ee ugu danbeeyay sidoo kale 12 gool ayaa laga dhaliyay sadexdii kulan ee ugu danbeeyay.

Dhanka kale, Italy ayaa iyana dhibaato kale ku bilaabatay kulamadooda isreebreebka koobka aduunka waxayna kaalinta labaad kaga jiraan group waxayna kooxda Ventura’ waayahooda ku bilowdeen guul 3-1 ay Haifa kaga soo gaareen yahuuda waxayna kulankoodii ugu danbeeyay barbaro dirqi ah ka heleen Spain iyadoo uu gool u dhaliyay De Rossi daqiiqadii 82aad.

Xulka Azzuri ayaana dib ugu yeerin Mario Balotelli oo waayihiisa ciyaareed kacdoon kula sameeyay France laakin Pelle ayaa ku soo laabtay xulka inkastoo uu macalinka la dagaalay kulankii ugu danbeeyay.

tali