Kumaandoosta DF Iyo Kuwa Maraykanka Oo Weeraray Xero Shabaab ku Lahaayeen Duleedka Kismaayo

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee Danab oo ay wehlinayaan kuwa Maraykanka ayaa weerar lama filaan ah waxay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 60 Km u jirta magaalada Kismaayo.

Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal khasaare badan geystay, islamarkaana socday daqiiqado badan, iyadoo la sheegayo in halkaasi ku dhinteen Shabaab ciidan iyo saraakiil isugu jirta.

Ciidankii weerarka qaaday waxaa soo gaaray khasaare balse lama oga inta uu la egyahay khasaarahaasi, waxaana la sheegay in ciidankii weerarka qaaday dib usoo laabteen.