Kumanaan ka tirsan Ciiddanka Ethiopia ee Hawlgalka u jooga Somalia oo dib looga yeeray Xiisadda ka aloosan dalkaasi.

Dowladda Federalka Ethiopia ayaa la sheegay inay la baxayso Kumanaan Askari oo qeyb ka ahaa Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ka hawl-geli jirey Degmooyinka  Somalia ee kaabiga ku haya Xuduudka dalkaasi.
Saldhigyadda Askarta Ethiopianka ayaana laga dareemayaa inay ku jiraan Dhaqdhaqaaqyo ay dib ugu laabanayaan dalkooda.
Ciiddankii Ethiopianka ee ku sugnaa Degaanka Ceel-cali ee Gobalka Hiiraan ayaa ka ruqaansaday halkaasi, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerar madaafiic ku asqeysiiyeen Saldhiga Askartaasi.
Sidoo kale, Saldhigyadda ay Ethiopianka ku lahaayeen Goballadda Hiiraan, Bakool iyo Gedo ayaa laga dareemayaa Dhaqdhaqaaqyo ay dib ugu laabanayaan dalkooda.
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Dowladda Federalka Ethiopia dhawaan soo rogtay Xukun Degdeg ah oo socon doona muddo 6 bilood ah, kadib, markii ay Qowmiyadaha Oromia iyo Amxaara dhigeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Dowladda Ethiopia ee ay Tigreyga hogaamiyaan.
Ugu yaraan 500 oo qof ayaa lagu dilay Dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeedo Dowladda Federalka Ethiopia.
Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia waxay hawl-gelisay Boqolaal Kun oo Askari, kuwaasi oo loo daad-gureeyey Goballadda ay Kacdoonka iyo Xisiadaaha ka taagan yihiin.
Waxaana laga cabsi qabaa  in ay Xaalladda Ammaanka ee dalkaasi faraha ka baxdo, iyadoo ay sii kordhayaan dadka mucaaradssan Siyaasadda Dowladda dalkaasi.
Dowladda Ethiopia waxay ku eedeysay Masar iyo Eritrea inay hub, maalgelin iyo taageero siinayaan Kooxaha Mucaaradka ee soo abaabulay Dibadbaxyadda rabahsadaha wata ee ka socda inta badan Goballadda ay deggaan Qowmiyadaha Oromiya iyo Amxaaro oo iyagu ah Qabaa’illadda ugu tiro badan Qabaa’illadda ku nool Ethiopia.
Qabiilka Tigreega ee majaraha u haya Talada dalkaasi ayaa la sheegay inuu 6% ka yihiin Tiradda Guud ee Dadka Reer Ethiopia.