LA-YAABKA Barack Hussien Obama Oo noqon doona Dareewal Taxsi

obama

Madaxweynaha 44-aad ee dalka Maraykanka ee xilka ka sii degayo, Barack Hussien Obama ayaa ka hadlay Hawsha uu ku xoogsan doono, marka uu nolosha Aqalka Cad ka soo daadego bisha Janaayo 20-da ee sannadka soo socda.

Obama oo Wareysi lala yeeshay muddo haatan laga joogo wax ka yar hal sanno ayaa sheegay inuu ku naalloonayo inuu ka mid ah Dareewaladda Shirkadda Taksiyadda ee Uber Taxi.

Weriye ka tirsan Telefishinka CBS News ayaa weydiiyey: “Adoo ah Madaxweynihii   44-aad ma waxaan awoodi doonaan inaan kuu yeerno, si aad Taksigaaga nooga soo qaado Shaqada si aad noo geyso Guryaheenna”.

Madaxweyne Obama waxa uu ku jawaabay inuu marka hore seexan doono muddo 2 isbuuc marka uu Xilka Madaxweynaha ka dego.

Waxa uu intaasi ku daray inuu ku shaqeyn doono Fursad shaqo oo soo marta Dhallinyarada, oo aan dadka waa weyn helin.

Waxa uu sheegay inuu ku qanacsan yahay inuu noqo Dareewal u shaqeeya Shirkadda Taksiyadda ee Uber Taxii

uber-taxi